Waaxda Caddaaladda ee dalkaasi ayaa sheegtay in shalay la qabtay Labo nin oo lagu eedeeyey inay doonayeen inay taageeraan Kooxda Daacish.
Mid ka mid ah Eedeysanayaasha ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu arko Calanka Jihadistayaasha Daacish  oo ka dul babanaya Dhismaha Aqalka Cad ee looga taliyo dalkaasi.
Labada Eedeysane oo lagu kala magacaabo Joseph Jones iyo Edward Schimenti ayaa shalay la soo taagay magaalladda Chicago, wuxuuna Garsooraha sheegay in maalinta Isniinta la dhegeysan doono Kiiskooda.
Eedeysanayaasha waxay u xog warameen labo Askari oo dhar cad ah, kan tirsan FBI-da iyo Nin kale oo la shaqeeya Hay’adaha Ammaanka, waxayna u sheegeen inay taageersan yihiin Daacish, iyagoo Baraha Bulshadda soo dhigay iyagoo isku sawiray
©Radio Dalsan