Hay’adda Dembi-baarista Boliska Federalka Maraykanka ee FBI ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigeen nin ay magaciisa ku sheegeen Haasher Jalaal Taxib oo 21-jir ah, kaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu qorsheynayey weeraro uu la beegsado Dhismaha Aqalka Cad ee maagalladda Washington.
FBI-da waxay sheegeen inay Ninkaasi shalay ka soo qabteen duleedka magaalladda Atlanta ee Gobalka Joorjiya, xilli uu hub ku haystay gaarigiisa, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Waxaa kaloo Ninkaasi lagu eedeynayaa inuu doonayey inuu waxyeello ama burbur u geysto Dhismaha Aqalka Cad, isagoo adeegsanaya Rasaas ama waxyaabaha qarxa.
Boliska waxay sheegeen inay ninkaasi ku raad joogeen tan iyo bishii Maarso ee sannadkii hore , kadib, markii ay dad la shaqeeya Hay’addaha Ammanka Maraykanka u soo far-muuqeen.
Haasher Jalaal Taxib ayaa la sheegay inuu doonayey inuu magacisia bedesho, si uu u helo Baasaboor uu qorsheynayey inuu kaga dhoofo dalka Maraykanka, si uu ugu biiro Kooxaha Islaamiyiinta ka dagaalanta dalalak Syria iyo Iraq.
FBI-du waxay kaloo tilmamaan inuu Ninkaasi doonayey inuu weerar ka geysto Aqalka Cad iyo Taalladda Xorriyadda oo ku taalla New York.
Sidoo kale, FBI-du waxay sheegeen inuu Haasher Jalaal Taxib u sheegay Ilo ka tirsan Hay’addaasi inuu Dagaalka Jihaadka yahay dhimashadad ugu baahsan Islaamka iyo qiimaha Islaamka.
Taheb told the FBI source that “jihad was the best deed in Islam and the peak of Islam.”
Si kastaba ha ahaatee, lama sheegin Xilliga la soo maxkmaadeyn doono Haasher Jalaal.