Boliska dalka Kuwait waxay gacanta ku dhigeen nin 22-jir ah, kaasi oo ku hanjabay inuu qarxin doono Qunsulliyadda Masar ku leedahay caasimadda dalka Qatar ee Doha, isla markaana uu isagana is-dili doono.
Wargeyska “Al-Raiâ€Â ee ka soo baxa caasimadda dalka Kuwait ee Kuwait City waxa uu shalay qoray in Muwaadin Kuwayti ah  sameeyey hanjabaadaasi, kadib, markii loo diiday inuu galo Dhismaha Diplomaasiyadda Masar ku leeyihiin caasimadda dalka Qatar.
Wargeyska ayaa qoray inuu Ninkaasi diiday inuu Ilaaladda Qunsulliyadda tusiyo Aqoonsigiisa, taasi oo sababtay inaan laga oggolaanin inuu gudaha u galo Qunsulliyadda, si uu uga soo dhamaysto Dukumentiyo Safarka ah.
Wargeyska ayaa qoray inuu la soo baxay Mindi, iskuan tijaabiyey inuu ku dooxo mid ka mid ah Ilaaladda Qunsulliyadda, wuxuu kaloo ku hanjabay inuu is-dili doono.
Markii uu shilkaasi dhacay, Kaaliyaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kuwait ee Arrimaha Borotokoolka ayaa la sheegay inuu la xiriiray Safiirka Masar u jooga dalka Qatar, kuna qanciyey inay Dowladda Kuwait qaadi doonto tallaabo kasta oo muhiim oo ku aadan dhacdadaasi.
Ammaanka hareerka Qunsuliyadda Masar ku leedahay caasimadda dalka Qatar ayaa la sheegay in la xoojiyey, si looga feejignaado dhacdooyin kale oo la filan karo.