Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa sheegayaan in geed ku yaalla halkaas gelinkii dambe ee shalay lagu arkay Nin qoorta xarig ugu xiran yahay oo Meydkiisa kasoo laad-laada geedka.
Warar kala duwna ayaa kasoo baxaya sida uu ku timid is dal-dalaada Ninkaas oo da’adiisa lagu qiyaasay 35-sano jir, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in Ninka isagaa uu  is dal delay, halka kuwa kalen ay tilmaamayaan in la sirqiyey.
Meydka Ninka ayaa goobta waxaa kasoo qaaday Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Galmudug, waxaana falka uu sigaar uga dhacay deegaan lagu magacaabo dagaari oo ku yaalla duleedka Gaalkacyo.
Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in dhacdadaan ay ku abuurtay cabsi xoogan, waxaana dadka qaarkood ay tilmaameen in Arrintan ay u gub ku tahaya deegaanka dagaari ee Gobolka Galgaduud.