Askarta Yuhuudda waxay shalay isku dhaceen Dibadbaxbaxayaal Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa Bariga Marinka Qasa, meel ku dhow Xuduudka Yuhuudda.
Ugu yaraan hal qof oo Falastiini ayaa lagu dilay Toogashadaasi, halka 220-kalena lagu dhaawacay.
Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Qasa, Ashraf Al-qadra waxa uu u sheegay Suxufiyiinta inay Askarta Yuhuudda toogasho ku dileen Marxuum la oran jirey Axmed Yaghi oo 25-jir ahaa.
Dibadbaxyadda Falastiiniyiintawaxa uu shalay galay Jimcihii 19-aad, kaasi oo ay kaga soo horjeedaan dhulalka Falastiin ee ay Yuhuudda xoogga ku haystaan, waxaana Dibadbaxyadaasi lagu dilay guud ahaan 155 Falastiiniyiin ah, halka in ka badan 1,700 kalena lagu dhaawacay.