Hadal ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa lagu sheegay in la xiray Halis Hanji oo lagu tilmaamay Gacanta Midig ee Fatxullahi Gulen oo ay Dowladda Turkiga ku eedeynayso inuu ahaa ninkii ka dambeeyey Afgembigii Fashilmay ee isbuucii hore ka dhacay dalkaasi.
Sarkaal ka tirsan Madaxtooyadda Turkiga ayaa sheegtay in ninka la xiray uu dalka Turkiga ku soo laabtay labo maalin ka hor intuusan dhicin Afgembigii Fashilmay.
Dhinaca kale, Nin ay ilmo adeer yihiin Fatxullahi Gulen ayaa shalay la xiray, sida ay baahisay Wakaalladda Wararka ee Dowladda Turkiga ee Anadolu.
Ninkaasi oo lagu magacaabo Maxamed Sait Gulen ayaa laga soo qabtay magaalladda Erzurum ee W/bari Turkiga, waxaana la keenay magaalladda Ankara, si su’aallo loogu weydiiyo.
Waa markii ugu horreysay ee la xiro dad ehel la ah Fatxullahi Gulen oo ku nool Gobalka Fenesalfaniya ee dalka Maraykanka, laguna eedeynayo inuu ka dambeeyey Afgambigii Fashilmay ee bishan July 15-dii ka dhacay dalka Turkiga.
©Radio Dalsan