Wararka aan ka heleyno degmada Ceel Waaq ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in degmadaas xalay lagu dilay nin darawal ahaa kaas oo la sheegay in lagala degay Gaari uu watay xili uu safar uu u socday.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in kaasi Darawalka ahaa ay Kooxo ku hubeysnaa qoryaha ak 47 kala degeen Gaarigiisa oo u rarnaa Gobolka Waqooyi Bari Kenya,sidaasna ay ku dileen.
Dilka Ninkan ayaa loo aaneynayaa arin la xiriirta aano qabiil kaas oo la sheegay in uu daba joogo dil Khamiistii la soo dhaafay nin kale loogu geestay Magaalada kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Dilalka ka dhaca Gobolka Gedo ayaa ah kuwa soo noq noqday,waxaana 24 Bishii July lagu dilay degmada Balad Xaawo 4 dhalinyaro ah kuwaas oo Maamulka degmada ay ku sheegeen in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.