Wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee dalka ayaa galabta shaacisay Natiijada Ardeydii ka qeybgashay imtixaanka Dugsiyada sare ee dowladda ee Sanad Dugsiyeedkii 2016/2017.
Wasaaradda waxbarashada ayaa sheegtay in ardey gaareysa sideed iyo toban kun labo boqol soddon iyo sagaal arday ay u fariisteen imtixaanka iyaga oo ku kala galay 77 Xarumood oo Gobolka Banaadir iyo Maamul Goboleedyada ku yaala.
Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada ayaa sheegay in imtixaanka ay qaadeen uu u dhacay si cadaalad ah ayna tahay taalaabo aad u wanaagsan oo wasaaraddu ay horey u qaaday.
Ra’isal wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Axmed Guuleed ayaa isagana sheegay in xukuumaddu ay ku muhiimad gaar ah siineyso waxbarashada ayna soo dhaweynayaan sida uu u dhacay imtixaanka isaga oo ardeyda ku dhacay imtixaanka ku dhiirigaliyey in ay markale iskuday sameeyaan.
Halkan ka aqriso Warsaxaaadeed wasaaradda waxbarashadu oosaartay.