Wararka saakayto naga soo gaaray Maamulka Galmudug ayaa waxay sheegayaan inay Ciiddan ka tirsan Nabadsugidda Galmudug qaadeen Hawlgal ay ku soo furteen Haweney Kenyan ah oo ay Burcad-baddeedu haysteen tan iyo sannadkii 2014-kii.
Hawlgalkaasi waxa uu ka dhacay Degaanka Camaara ee Gobalka Mudug.
Maamulka Galmudug weli ma aysan shaacinin magaca Gabadha Kenyanka ee la soo badbaadiyey, balse, Warbaahinta Kenya ayaa horey u shaaciyey in gabadhaasi lagu magacaabo Louis Njoki oo 41-jir ah.
Haweeneydaasi waxaa horey loola qafaashay Saaxiibkeeda, James Kuria, kaasi oo ay Ciiddanka Ammaanka Galmuddug Hawlgal ku soo furteen bishii Feberaayo ee sannadkan.
Khabiir dhinaca Baddaha oo u dhashay dalka Kenya, laguna magacaabo Andrew Mwangura ayaa isbuucii hore sheegay inay 3 Kenyan ka mid yihiin 16 Badmaaxiin Shisheeyaha oo ay Burcad-baddeeda Soomaalida afduub ugu haystaan Degmadda Xarar-dheere, waa sida uu hadalka u dhigay.
Andrew Mwangura oo galaangal xooggan u leh La-xaajoodka Burcad-baddeedka ayaa u sheegay Wargeyska The Star inay Burcad-baddeeda dalbadeen Lacago Madax-furasho, si ay u sii daayaan La-haystayaasha Kenyanka.
Ma uusan sheegin Kharajka Rasmiga ee ay Burcad-baddeeda codsadeen si loo sii daayo Dadka Kenyanka ee afduubka loo haysto.
Dhinaca kale, Mwangura waxa uu tilmaamay  In Labada Kenyanka ee haatan ku jira Gacanta Burcad-baddeeda laga soo qafaashay Muqdisho, iyagoo u shaqeynayey Shirkad Dhismo.
Toddobaadkii hore, Kooxaha Burcad-baddeeda waxay sii daayeen 26 Badmaaxiin Shisheeye ah, kadib, markii la bixiyey Lacag madax-furasho oo aan cadadeeda la sheegin.
 ©Radio Dalsan
Â
Â
Â
Â