Wararka naga soo gaaraya degmada Walaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xalay saqdhii dhexe halkaasi lagu dilay Nabadoon Caanka ahaa degmadaas.
Dadka ku nool degmada Walaweyn ayaa waxa ay Dalsan u sheegen in Ciidamo watay Gawaarida dagaalka ay Nabadoonka Gurigiisa ugu tageen isla markaana ay halkaasi ku toogteen
Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Maxamed Cabdi jeelle,dhacdadaan ayaa ah mid ku cusub ddka ku nool degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Maamulka degmada Walaweyn dhankooda weli kama hadlin dilka xalay Walaweyn loogu geystay Nabadoon Maxamed Cabdi jeelle,waxaan saakay halkaasi laga dareemayaa saameynta uu reebay dilkaas.
Waa markii ugu horeysay uu degmada Walaweyn ka dhaco fal noocaan oo kale ah kadib markii Ciidamo wata Gaadiidka dagaalka ay hoygiisa ku dhex dilaan Mid ka mid ah Odayaasha Dhaqanka degmada Walaweyn.