Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa daqiiqado kahor degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir waxaa ay ku dileen Nabadoon Caan ahaa oo laga yaqaanay gudaha degmadaas, waxaana kasoo baxaya faah faahino.
Dad goobjoogayaal oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in dhalinyaro hubeysan ay Nabadoonka ku dileen Suuqa Ariga ee degmada Deyniile, xili uu halkaa ku sugnaa, isagoo u geeriyooday rasaas lagu dhuftay.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Macalin Cabdi Siyaad Geedi, isla markaana waxaa uu kamid ahaa Odayaasha wax kasoo xulay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee waqtigiisu sii dhammaanaya.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa gaaray halka falku uu ka dhacay, iyagoona la tilmaamay inay kasoo qaadeen Meydka Nabadoon Cabdi Siyaad, xili halkaas ay baxsadeen ragii ka dambeeyay dilkiisa.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey uga dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay Odayaal iyo xubno kale oo ka tirsnaa dowladda Federaalka, waxaana inta badan dilalkaas Mas’uuliyadooda sheegtay Al-shabaab.