Kooxo ku hubeysan Butoolado ayaa xalay degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay ku dileen mid ka mid ah Odayaasha Dhaqanka degamadaas.
Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Maxamed Aadan oo ku magac dheer (Caamir Muuse).
Ragga dilay Nabdaoonka ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegeen in ay Gurigiisa ugu tageen kadibna ay Goobta ka baxsadeen.
Macada sababta loo dilay Nabadoonka iyo cida ka dambeysa dilkiisa,balse waxaa la sheegayaa in uu la Shaqeyn jiray Maamulka isla markaana uu ahaa Shaqsi ka dhiidhiya dhibaatooyinka loo geysta Shacabka.
Masuuliyiinta Maamulka degmada weli dhankooda kama halin dilka Nabadoonka,waxaan horay degmada Baraawe 6,dii Bishaan loogu dilay Nabadoon lagu Magacaabi jiray Sayidnaa Xaajow