Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa xalay ka qayb-galay Munaasabadda 26 ka june oo lagu qabtay aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana Madaxweynuhu uu halkaasi ka jeediyay.
Madaxweynaha ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Munaasabadda, waxaana uu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay gooni isu taagga Gobolada Waqooyi ee Somaliland.
“Waligey kumaanaan fekerin sida dad badan oo Soomaaliyeed ay ku fekeraan oo ah ha daciifeen (Somaliland) way idin ogolaanayaanee, ha xoogaysteen way idin garab qabanayaan ayaan ku fekeri jirnay, wixii aad qabsateen Ilaashada†ayuu yiri madaxweyne Madaxweyne Xasan Sheekh mar uu soo hadal qaaday arrinta Somaliland.
Madaxweynaha ayaa intaas ku daray  in aan la inkiri karin dhibaatooyinka ay soo mareen dadka Soomaaliyeed iyo dhaawacyada gaaray midnimada, balse jiilasha maanta iyo barri ay hortaallo sidii ay uga dhabeyn lahaayeen riyada ku aaddan Soomaaliya xasilloon, heshiis ah, dadkeeduna ay ku mideysan yihiin, taas oo u baahan isu dhibrin iyo isu tanaasul.