Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen ayaa maanta furay Kal-Fadhiga labaad ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed, isagoo khudbadiisa furitaanka kaga hadlay dhinacyo kala duwan.
Ugu horayn Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada uga warbixiyay Xaalada Koonfur Galbeed iyo dadaalada lagu Bixinayo sidii looga miradhali lahaa fulinta Himilooyinka Shacabka, waxaana uu Xusay Madaxweynaha Guulaha Laga Gaaray Amniga, Xureynta Degmooyinka, Tayanta iyo Tababarada Ciidanka, Fulinta Howlgalada Qorshaysan ee ka dhan ah Al-shabaab iyo u diyaar garowga furida Waddooyinka ay xireen Shabaabka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xildhibaanada warbixin ka siiyey dib-udhiska Magaalooyinka Hirgelinta Mashariic kala Duwan sida Biyooley, Bahnaano,GPLG iyo kuwo kale kuwaasi oo Laga fulinayo guud ahaan Gobolada Baay,Bakool iyo Shabeellaha Hoose.
Lafta-gareen ayaa sheegay in Safaradii uu ku tagay Degmooyinka Koonfur Galbeed ay ahaayeen kuwo uu ugu kuuragalayey Xaaladaha Degmooyinka, Â waxaana uu xusay in lagu guulaystay in Degmooyinka laga fuliyo Mashariic kala Duwan oo Bulshada Muhiim uah Sida Waxbarashada,Cafimaadka, Dib udhiska Xarumaha.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Arimaha Doorashooyinka heer Federaal laga gaaray heshiis dhab ah kaas oo dhabaha u xaaraya sidii dalka uu ugu jihaysan lahaa Doorashooyinka 2020/2021 taas oo ah wado aan la dhaafi Karin oo Sal iyo Tariikh lagu yaqaano ah Dowladnimadeena in afartii sanaba hal mar ay dhacdo Doorasho dalka u jihaysa wadada Hormarka.
Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed shaqooyinka waxtarka leh ee ay hayaan isagoo si rasmi ah u furay Kal-fadhiga Labaad ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed.