Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay Arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan dhammaadka sanadkaan 2020/2021.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa uu sheegay in muhiim ah ay tahay in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho, isla markaana ay ku dhacdo waqtigii loogu talagalay, xili shaki badan la gelinayo in dalka ay ka dhacdo Doorasho.
Golihiisa Wasiirada ayuu Kheyre ugu baaqay in inay ka shaqeeyaan sidii dalka ay uga dhici laheyd Doorasho nabad ah oo loo wada dhan yahay, wuxuuna xusay in haatan Golaha ay horyaalan shaqooyin badan.
“Afartii sano waa in mar doorasho la galo, doorasho dadka intooda badan isla oggol yihiin ayna saamileyda badankood ama kuligood qeyb ka yihiin, doorasho ayaa dalka ka dhici jirtey 4tii sanaba mar nooceey rabto ha ahaatee, waana tan sharciyada aaan halkan ku joogno na siisay, dalka doorasho inay ka dhacdo ayaa ka muhiimsan inta kale qof walba inuu dareemo in afartii sano mar dalkaan doorasho ka dhacdo†ayuu yiri Kheyre.
Isaga oo sii hadlaayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa waxaa uu tilmaamay in Arrimaha diyaar garoowga Doorashada ay gacanta ku hayaan Baarlamaanka iyo Guddiyo kale.
Si kastaba hadalka Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo siyaasyiin kala duwan ay walaac xoogan ka qabaan in dib u dhac uu ku yimaado Doorashada la filayo in dalka ay ka dhacdo, sidoo kalena Madaxda dowladda looga digay muddo kororsi.