Boliska Malta ayaa sheegay inay Waaberigii hore ee saakayto xabsiga dhigeen Nin Soamli ah, kadib, markii ΓΒ lagu qabtay isagoo kufsanayo Haweeney u dhalatay dalka Sweden.
Hadal ka soo baxay ayaa lagu xusay in Boliska lagu soo wargeliyey Afarta iyo Barka Habeenimo inuu Nin Somali ah uu haweeney ku camcaminayo Deegaanka Gizriya.
Saraakiisha Boliska ayaa gaaray goobtii, waxayna gacanta ku dhigeen Ninka Soomaalida, iyadoo haweeneyda Swedishka ee uu kufsaday loo qaaday Isbitaalka si loogu soo daaweeyo.
Maxkamadda ayaa codsatay in baaritaan lagu sameeyo Kiisakasi, waxaana la amray in ΓΒ ninka Soomaalida loo gudbiyo Xabsiga.
Toddobaadkii hore ayey ahayd markii Maxkamad ku taalla Jesiiradda Malta la soo taagay Nin Somali oo isagoo sarqaansan dhacay gaari, kadibna shil ku galay.
Xigasho:- www.independent.com.mt