War-saxaafadeed ay Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka soo saartay waxaa lagu soo bandhigtay Liiska 35 Waddan oo la sheegay inay Dadka Maraykanka kala kulmi karaan afduub iyo in loo qabsado madax-furasaho.
Qoraalka ay Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka soo saartay shalay oo taariikhdu ahayd bisha April 9-dii ee sannadka 2019-ka waxaa lagu soo bandhigay Tilmaamo cusub oo dhinaca Socdaalka, oo ku aadan inay dadka Maraykanka la kulmi karaan khataro ay ka mid yihiin Afduub iyo inay La-haystayaal u noqdaan Dembiilayaasha iyo Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.
Liiska 35-ka Waddan ee Muwaadiniinta Maraykanka looga digay inay kala kulmi karaan falal dembiyeedyo ayaa kala ah:Â Somalia, Ethiopia, Kenya, Sudan, Turkey, Afghanistan, Yemen, Algeria, Angola, Bangladesh, Burkina Faso, Cameroon, Central African Republic, Colombia, Democratic Republic of the Congo, Haiti, Iran, Iraq, Lebanon, Syria, Libya, Malaysia, Mali, Mexico, Niger, Nigeria, Pakistan, Papua New Guinea, Philippines, Russia, South Sudan, , Trinidad and Tobago, Turkey, Uganda, Ukraine (qeybta ay Raashiya ka maamusho Bariga Ukraine) iyo Venezuela