n ka badan 5 million oo qof ayaa isku diiwaan gelisay inay u codeeyaan Doorashadda berrito ka dhici doonta dalkaasi.
Ugu yaraan 60% Codbixiyayaashu waxay da’dooda ka hooseysaa 40-sanno.
Doorashadaassi ayaa ah rii ugu horreysay ee dalka Zimbabwe ka dhacda tan iyo markii ay Xornimadda ka qaateen dalak Britain sannadkii 1980-kii, waxaana 38-dii sanno ee la soo dhaafay hayey talada dalkaasi Madaxweyne Robert Mugabe, kaasi oo dabayaaqadii sannadkii hore ay Milliteriga xilka ka qaadeen.
Murashixiin tiradoodu dhan tahay 23 qof oo 4 ka mid ah Haween yihiin ayaa u taagan Doorashadda Madaxtinimadda ee dalka Zimbabwe oo berrito dhici doonta.
Markii ugu horreysay tan iyo sannadkii 2002-dii , Goobjoogayaal Caalami ah ayaa lagu casuumay inay dusha kala socdaan Doorashadaasi.
Madaxweynaha haatan haya Talada dalkaasi,  Emmerson Mnangagwa waxa laga yaabaa inuu culays kala kulmo Murashaxa ugu da’da yar Murashixiinta la tartami doonta oo lagu magacaabo Nelson Chamisa, oo 40-jir ah.
Natiijadda Doorashadda Madaxweynenimadda dalka Zimbabwe waxaa si rasmi ahaan loogu dhawaaqi doonaa bisha soo socota ee August 4-da.
Haddii uusan Murashax keenin Natiijadda 51% waxaa la geli doonaa Wareeg 2-aad, taasi oo dhici doonta bisha September 8-da ee sannadkan.
Sahan Cod-bixin ah oo dhawaan laga qaaday 2,400 qof oo u dhalatay dalka Zimbabwe waxay muujinaysaa in Madaxweynaha haatan xilka haya uu Cod-bixinta ka heli doono 40%, halka Murashaxa kale ee Nelson Chamisa uu ka keenay 37% sahankaasi hordhaca ahaa.