Wargeyska Tages Anzeiger ayaa qoray inay dadkaasi oo uu ka mid yahay Diplomaasiga 2-aad ee ugu sareeya Safaaradda Turkiga ku leeyihiin Caasimadda dalkaasi ee Bern wada codsadeen Magangelyo-siyaasadeed.
Diplomaasigaasi waxa uu diiday inuu dib ugu laabto dalkiisa hooyo ee Turkiga, isagoo muujiyey inuusan taageersanayn Madaxweyne Erdogan.
Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Switzerland iyo Safaaaradda Turkish-ka ee magaalladda Bern waxay ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrintaasi.
Warkan ayaa soo baxay iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga, Meflut Kafusoglu qorsheynayo inuu dhamaadka Isbuucan khudbad ka jeediyo magaalladda Zurich ee dalka Switzerland.
©Radio Dalsan
Â