Rag hubeysan oo burcad koonfur Afrikaan ah ayaa saqdii dhexe ee xalay fal isugu jiray dhaawac iyo dhac dalka Koonfur Afrika ugu geystay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka halkaas ku leh goobo Ganacsi.
Weerar loo adeegsaday Tooreyo ama Middi ayaa lagu qaaday saddex ruux oo Muwaadiniin Soomaali ah, xili ay ku sugnaayeen goobo Ganacsi oo ay ku leeyihiin Deeganka Ntuzuma D-Lindelani oo 27-KM dhinac Waqooyi ka xira Magaalada Durban.
Dhaawacyo Culus ayaa la sheegay inuu weerarkaas kasoo gaaray Muwaadiniinta, isal markaana waxaa loola cararay Xarumo Caafimaad, si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo, sida uu sheegay Muwaadin kamid ahaa dadkii u gurmaday raggaas.
Sidoo kale ragii hubeysnaa ayaa dhac baahsan u geystay goobo Ganacsi oo ay leeyihiin Muwaadiniinta dhaawaca ay u geysteen, iyagoona halkaas ka qaatay lacag badan iyo agabyo muhiim ah oo yaallay Xarumaha ganacsiga ah.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa daqiiqado kadib tegay halka uu weerar ka dhacay, isla markaana sameeyay baaritaano aan wax natiijo kasoo baxay, iyagoona markii dambe goobta isaga tegay.
Habeeno kahor ayey aheyd markii Muwaadin Soomaaliyeed lagu dilay xaafad ka tirsan Magalada Durban ee Gobolka Kwazulu Natal ee dalka Koonfur Afrika, waxaana dalkaas uu yahay mid inta badan lagu dhibaateeyo dadka Soomaaliyeed.