Kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa habeenimadii xalay aheyd weerar ku qaaday Muwaadiniin Soomaali ah oo ku sugnaa gudaha Koonfur Afrika, iyagoona u geystay fal isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.
Burcada ayaa weerarkaas ku qaaday dukaanka ganacsatadan Soomaaliyeed ay ku laheyd deegaan hoostega Magaalada Port Elizabeth ee Koonfur Afrika, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno, waxaana halkaas lagu dilay Muwaadin Soomaali ah.
Sidoo kale Raggii hubeysnaa ayaa horey dhaawac Culus ugu geystya meel ku dhow Port Elizabeth Muwaadin kale oo Soomaaliyeed, isla markaana halkaas ku lahaa goob Ganacsi, kaasi oo si deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad.
Wararka ayaa intaas waxaa ay ku sii darayaan in ragga burcada ee hubeysnaa ee dhac baahsan u geysteen 4 dukaan oo ay lahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed, kuwaasi oo markii dambe goobta isaga tegay.
Dalka Koonfur Afrika ayaa si joogto ah loogu dilaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi u raadsaday Ganacsi, waxaana dalkaasi lagu dilay boqolaal qof, iyadoona aysan jirin cid weli iska xil saartay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka Soomaalida loo geysanayo.