Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa dhimashada muwaadin Soomaaliyeed oo dalka Koofur Afrika ugu geeriyooday dhaawac ay u gaysteen kooxo burcad ah.
Warar aynu helnay ayaa sheegaya in Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Catoosh Nuur Calasow uu u geeriyooday dhaawac aad u cuslaa oo ay u gaysteen kooxo Burcad ah oo Xalay soo weeraray goob ganacsi oo uu dalkaas ku lahaa.
Weerarka lagu qaaday xarunta Marxuumka ayaa ku taalla Macassar Beach oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika, waxaana la sheegay in Burcaddii weerarka fulisay ay dhac u gaysteen goobtiisa ganacsi.
Marxuumka ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi kulahaa ganacsiyada,waxaana uu dalkaasi in muddo ah.
Dalka Koofur Afrika ayaa si weyn loogu dhibaateeyaa Ganacsatada Soomaaliyeed, iyadoo sanadihii ugu dambeeyay ay kordheen dhibaatooyinka baahsan ee ay la kulmaan Ganacsatada Soomaaliyeed.