Ciiddanka Ammaanka ee dalkaasi ayaa sheegay inay shalay gacanta ku dhigeen Nin Soomaali ah oo 20-jir ah, kaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu weerar geysan lahaa xilliga lagu guda-jiro Dabaaldegga sannadka cusub ee Milaadiga ee 2018-ka.
Shabakadda Wararka Australia ee  the epoch times.com  waxay saakayto qortay in Eedeysanaha shalay lagu qabtay Degaanka Werribee ee Galbeedka magaalladda Melbourne.
Taliye-xigeenka Boliska Gobalka Victoria, Shane Patton ayaa u sheegay Warbaahinta inay qabteen Nin Muslim ah oo ay Waalidkiisu Somali yihiin, kaasi oo ay Ciiddan ka tirsan Boliska La-dagaalanka Argagixisadda su’aalo weydiinayaan.
Waxa uu tilmaamay in Eedeysanaha lagu eedeynayo inuu doonayey inuu dad badan ku dilo Dabaaldegga Sannadka Cusub oo lagu qaban doono Fagaaraha Federation Square, waa sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuuna intaasi ku daray inay Boliska baarayaan qaabka uu Eedeysanaha ku noqday Xag-jir Khatar weyn ku ah Bulshadda.
Dhinaca kale, Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu Qoyskiisa kula noolaa dalka Australia.