Xalay Saqdii dhexe ayaa waxaa Burcad Koonfur Afrikaan ah ay Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa dadka ku Ganacsada dalkaasi waxa ay ku dileen Magaalada Cape Town ee dalkaasi.
Muwaadinkaan oo lagu Magacaabi jiray Cabdulaahi Macalin Cali ayaa lagu dhex toogtay Goobtiisa Ganacsi oo ku taalla deegaan ay ku badan yihiin Qowmiyada Madowga ee la yiraahdo khayelitsha oo ka tirsan Magaalada Cape town.
Muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee dalka Koonfur Afrika lagu dilo Sanadkaan cusub ee 2018,ka waxaana dabayaaqadii bishii December ee Sanadkii tegay ee 2017 dalkaasi lagu dilay Ganacsade lagu Magacaabi jiray Axmed Colaad Cali.
Dhammaan Kooxaha Burcad ah ee dilay Ganacsatada soomaliyeed ee dalka Koonfur Afrika ayaa baxsaday mana jirta cid dabagal ku sameysa.
Sanadkii tegay ee 2017 ayaa waxaa la sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee lagu dilay dalkaas koonfur Afrika ay gaarayaan ilaa 139 Ruux kuwaas oo sibareer ah loo toogtay.