Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa dalkaasi Koonfur afrika ku dishay mid ka mid ah Ganacsatada ku nool dalkaas xili uu ku sugnaa goobtiisa ganacsi.
Mid ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas ayaa Radio Dalsan u sheegay in Ganacsadaha oo lagu Magacaabi jiray Axmed Colaad Cali loogu tegay goobtiisa ganacsi laguna dilay.
Kooxdii Buracada aheyd ayaa goobta ka baxsaday,waxaana halka falkaan uu ka dhacay ay tahay Magaalada Ceptown aad looga dareemay Ninkaasi Ganacsadaha ahaa dilkiisa kaas oo markii hore ka tegay degmada Balcad ee Gobolka shabeellaha dhexe.
Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku soo badanaya dilalka loo geysto Ganacsatada Soomaaliyeed iyada oo aysan jirin cid ilaa iyo hadda ka hadashay dilalka loo geysto Soomaalida.