Koox Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay Xaafad ka tirsan Magaalada Cape-Town ee dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Ganacsatada kunool halkaas.
Allaha u naxariistee Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdifitaax Xuseen Cmar Aadan, waxaana dilkiisa uu ka dhacay afaafka hore ee goob ganacsi oo uu ku lahaa Xaafadda krafooniten Magalada Cape-Town.
Ragii hubeysnaa ee Burcada ahaa ayaa Goobta ka baxsaday falka dib, waxaana durbo halkaas tegay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo goobta ka Agdhawaa, iyagoona ka qaaday Meydka Marxuumka.
Mid kamid ah dadka Soomaalida ah ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu sheegay in Marxuum Cabdifitaax uu kamid ahaa dhalinyarada firfircoon ee kunoolaa Xaafadda krafooniten Magalada Cape-Town, isagoona ku lahaa goob ganacsi.
Dilka Koonfur Afrika ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal loo geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee goobaha ganacsi ku leh dalkaas, iyadoona sanadkaan 2020 Koonfur Afrika lagu dilay Muwaadiniin dhowr ah oo Soomaali ahaa.