Kooxo hubeysan oo Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay waxaa ay Magaalada Cape Town ee dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed kana kamid ahaa dadka ganacasig ku leh halkaas.
Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Yaasiin Maxamed, waxaana dilka loo geystay uu ka dhacay goob ganacsi uu ku lahaa xaafad lagu magaacaabo Philipi oo hoostaga Magaalada Cape Town.
Dad Soomaali ah oo ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in dilka Marxuumka uu dhacay xili Booliska dalkaas ay ku amreen inuu Dukaankiisa xero uuna fulinayay amrka, maadama Bandow lagu soo rogay Koonfur Afrka.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in ragii Burcada ahaa ee dilay Muwaadinka ay dhac u geysteen goobta Ganacsi ee uu ku lahaa xaafada Philipi, waxaana halkaas tegay Muwaadiniin kale oo Soomaaliyeed, iyagoo ka qaaday Meydka Marxuumka.
Dilka Koonfur Afrika ayaa waxaa dilal badan loo geystay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo halkaas ku lahaa goobo ganacsi, waxaana Sanadkaan 2020 dalkaas lagu dilay Muwaadiniin dhowr ah, ilaa iyo hadana ma jirto cid arrintaas wax ka qabatay.