Muwaadin Soomaaliyeed ayaa gelinkii dambe ee shalay isku dilay Magaalada Cape-Town ee Caasimadda dalka Koonfur Afrika, kaasi oo kamid ahaa dhalinyarada ka shaqeysa dukaaman ku yaalla dalkaas.
Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Xuseen Maxamuud Jimcaale, waxaana dilkiisa uu adeegsaday Bastoolad, isagoona rasaas isaga dhuftay qeybaha sare ee jirka, sidaasina uu ku geeriyooday.
Falkaas ayaa ka dhex dhacay goob Ganacsi oo ku taalla duleedka Magaalada Capte town oo Marxuum Maxamed Xuseen ka shaqeynayay, waxaana xiligii uu falku ka dhacayay goobta ku sugnaa qaar kamid ah dadkii halkaas ay iska shaqeynayeen.
Ehelada Muwaadin Soomaaliyeed ee is dilay ayaa sheegay in Maxamed maalmihii lasoo dhaafay uu dhimirka ka xanuunsanaa, isagoona isku dhuftay Bastoolad taallay halkii uu shaqeyn jiray, isla markaana uu la ahaa adeerkiis oo lagu magacaabo Axmed Maxamuud.