C/raxmaan C/llaahi Maxamed oo 42-jir ayaa waxa dhawaan la so taagay Maxkamadda The Old Bailey Court ee magaalladda London, isagoo lagu eedeynayo inuu Kombiyuutarkiisa ku kaydsaday Muuqaalladda Qoor-goynta ee Kooxda Daacish iyo Hal-ku-dhegga “I like ISIS†oo la micno ah “Anigu Waan Jeclahay ISIS ama Daacishâ€.
Saraakiil ka tirsan Boliska dalkaasi waxay C/raxmaan C/llaahi Maxamed oo 42-jir ah soo xireen bishii July 21-dii ee sannadkii 2017-kii, kadib, markii ay baaritaano ku sameeyeen guri ay isaga uiyo xaaskiisa iyo 2-carruurtiisa ka deggan yihiin Xaafadda Northolt ee Galbeedka magaalladda London.
Booliska waxay xilligaasi sheegeen inay gurigiisa ka soo heleen 2 Kombiyuutarada Laptop-ka, Telefoonka casriga ee nooca Samsung Galaxy iyo Maskax-kaydiyaha USB memory Stick.
Saraakiisha waxay xilligaasi baareen qalabkaasi oo ay sheegeen inay ka heleen waxa ay ugu yeereen Dukumentiyo laga walaaco, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Dhinaca kale, Garsoore ka tirsan Maxkamadda The Old Bailey ee magaalladda London waxa uu C/raxmaan C/llaahi Maxamed ku soo eedeeyeen 8 dacwo oo ku aadan Dukumentiyo iyo Muuqaalo Borobogaando u ah Kooxda Daacish.
Garsooraha oo lagu magacaabo Philip Katz waxa uu sheegay in C/raxmaan C/llaahi Maxamed lagu helay qalab si cad u muujinaysa inuu taageero Kooxda Daacish.
Garsooraha waxa uu dib u dhigay Xukunka dacwadaasi ilaa bisha soo socota ee April 18-da.