Maxkamadda Bristol Crown Court ee dalka Britain waxaa la soo taagay Maxamuud Cusmaan oo loo haysto inuu Marxuum la oran jirey Xasan Xaaji oo 40-jir ahaa ku dileen Deegaanka Easton ee magaalladda Bristol bishii November 11-dii ee sannadkii 2018-dii.
Eedeysanaha oo 39-jir ah waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay inuu falkaasi u geystay si uu isku difaaco, kadib, markii uu Marxuumka soo weeraray.
Waxa kale oo uu sheegay inuu Marxuumka aflagaadeeyey qoyskiisa, kadibna uu birta lagu ciyaaro ciyaarta Baseball dhowr jeer ku dhuftay Marxumka.
Dacwad-ooge lagu magacaabo Seaan Brunton waxa uu tilmaamay in Marxuumka ay soo gaareen dhaawacyo badan oo gudaha, isla markaana ay jireen jabniin dhinaca lafaha.
Waxa uu intaasi ku daray inaysan cuddur-daar noqon Karin in dilkaasi loo geystay sababo is-difaac Nafsadeed.
Eedeysanaha dilka geystay ayaa la sheegay inuu aad u sarqaansanaa, markii uu dilka u geystay Marxuumka oo ay saaxiibo ahaayeen.
Garsoorka Maxkamadda waxay mar kale dib u dhigeen dhegeysiga dacwadaasi, iyadoo la amray in Eedeysanaha lagu sii hayo Xabsiga.