Ciidanka ammaanka Magaalada Jidah ee dalka Sacuudiga ayaa gacanta ku dhigay Muwaadin Soomaali ah oo fal dhac loo adeegsaday Tooreey ka geystay halkaas.
Warbaahinta Sacuudiga ayaa qortay in Muwaadinka Soomaaliyeed uu dhac u geystay Nin u dhashay Hindiya, isla markaana uu ka qaatay lacag uu watay, taasi oo la sheegay inay dhameyd 1200 oo Riyaadka Sacuudiga ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidanka amniga Magaalada Jidah uu ku wageliyay Ninkii dhaca loo geystay, isagoona u sheegay in falka dhacaha uu ka dambeeyay Muwaadin Soomaaliyeed, kaasi oo baxsaday.
Ciidanka ammaanka Magaalada Jidah ayaa tegay goobta uu lagu dhacay Ninkii Hindiga ahaa, iyagoona markii dambe howlgal ay sameeyeen gacanta kusoo dhigay Muwaadinka Soomaaliyeed ee dhaca geystay.
Sidoo kale Eedeysanaha oo magaciisa iyo da’diisa aan la shaacin ayaa waxaa la sheegay in loo gudbiyay Ciidanka dembi baarista ee Magaalada Jidah, iyagoona Maxkamad horgeyn doona Ninkaas