Mahad Abib Maxamud oo ay Dowladda Norway horey u sheegtay inay kala laabatay Dhalashadda dalkaasi ayaa waxa uu Dowladda Federalka ka helay Ballanqaad Shaqo.
Wargeyska Daglabet ee ugu akhriuska badan dalka Norway ayaa qoray in Mahad Abiib loo ballan-qaaday in DFS laga siinayo Xilalka La-taliye ama Diplomaasi
Kayse Saciid Cartan oo ah La-taliyaha Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay Wargeyska Daglabet inuu Madaxweynuhu danaynayo inuu Mahad Abib sida ugu dhaqsaha badan ugu soo laabto Somalia, si uu dalkiisa ugu shaqeeeyo.
Waxa uu intaasi ku daray inay sida uga dhaqsaha badan Codsi ugu dirayaan Dowladda Norway si ay Mahad Abibn ugu soo fududeeyaan Dukumentiga Safarka (A Travel Document), si uu ugu soo dhoofo Somalia.
Mahad Abib oo dalka Norway tegay sannadkii 2000, waxa uu dhalashadda dalkaasi ee Norwegian citizenship la siiyey sannadkii 2008-dii.
Dowladda Norway ayaa shaki gelisay inuu Mahad Abib yhay Somalia, waxayna ku dooday inuu ka soo jeedo dalka Jabuuti, waxayna taasi keentay inay Dowladda Norway kala laabato Dhalashada dalkooda.
Si kastaba ha ahaatee, Mahad Abib Maxamuud oo  xubin ka ah  Xisbiga Tayo ee uu Madaxweyne Farmaajo asaasay sannadkii 2012-kii ayaa ka codsanaya Dowladda Norway inay dib ugu soo celiso Dhalashadiisa Norwegian-ka ama ay u soo masaafurisaan dalkiisa hooyo ee Somalia.
Xigasho: Daglabet
©Radio Dalsan