Ninkaasi oo lagu magacaabo Mohamed Abuukar Saciid ayaa lagu soo oogay inuu cabsi geliyey Hay’addaha Ammaanka Federalka, Xeer-ilaalinta iyo dadka wararka u keena Dembi-baarayaasha ee ka dambeeyey in la xiro 6 Somali Maraykan lala xiriirinayey Kooxda Daacish.
Ninkaasi oo deggan magaalladda Minneapolis ayaa Jimcihi ila soo taagay Maxkamad, kadib, markii uu Twitterkiisa ku qoray hadalo cabsi-gelin ah.
Hay’adda FBI-da ayaa sheegtay inay u adeegsadeen Iskariin si ay u arkaan Cabsi-gelintaasi oo laga tirtiray Twitterkiisa.
Eedeysane Mohamed Abuukar Saciid waxa kaloo lagu soo oogay inuu u hanjabay dadka wararka u geeya Dembi-baarayaasha ee Hay’adda FBI-da taageeradda ka siiyey sidii loo soo xiri lahaa lixda nin ee Somali-Maraykanka ee u ambabixi lahaa dalka Syria.
Dhinaca kale, Eedeysanahaasi ayaa la filayaa in Maxkamadda la soo taago maalinta Arbacadda ee soo socota