Cali Cumar Adeer oo ku eedeysan inuu door ka qaatay Saxafiyad Kanadiyaan oo sannadkii 2008-dii lagu afduubtay duleedka Muqdisho ayaa la sheegay inuu lumiyey codsi uu ku doonayey in lagu siiyo Xog ka taageeri lahayd inuu mar kale codsado Rafcaan.
Maxkamad Rafcaan ayaa ku gacan-sayrtay codsiga Eedeysane Cali Cumar Adeer uu ku doonayey inuu ku arko Gal-dacwadeedkii la ururiyey intii uu socday Baaritaanka Dembiga lagu soo oogay ee Afduubka.
Garsooraha Maxkamadda Sare ee magaalladda Ontario, Robert smith waxa uu Eedeysanaha ku tilmaamay xubin loo raadinayey Afduubkii Saxafiyadda Kanadiyaanka ee Amanda Lindhout oo sannadkii 2008-dii lagu afduubtay duleedka Muqdissho.
Ali Omar Adeer waxa uu sheegay inuusan ku lug lahayn Afduubka, balse uu ahaa Dhexdhexaadiye iyo Turjumaan oo keliya iyo inay raggii afduubtay Saxafiyadda ugu hanjabeen inay waxyeeli doonaan isaga iyo qoyskiisa.
Eedeysanaha ayaa la filayaa in xukunkiisa lagu dhawaaqo dabayaaqadda bishan June.