Muwaadinkaasi oo lagu magacaabo Haykal Xandal ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa Shaqaalaha Siyaasi Sare oo ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha ee dalkaasi.
Ilo ka tirsan gudaha Xisbiga Shaqaalaha ayaa xaqiijiyey in Hakla Xandal shaqada laga cayriyey, kadib, markii uu Xisbigu sameeyeen baaritaano gudaha oo socotay muddo hal sanno ah.
Haykal Xandal oo 27-jir ah ayaa la sheegay inuu madax ka ahaa Guddiga Doorashadda ee Xildhibaan Richard Marles ee sannadkii 2013-kii.
Xildhibaankaasi ayaa la sheegay inuu mar kale ku guuleystay Kursigiisa ee Doorashadaasi, kadib, markii uu ku shubtay doorashadaasi.
Tallaabadda lagu cayriyey Muwaadinkaa Somali Australianka ayaa lagu tilmaamay inay tahay markii ugu horreysay oo Xisbiga Shaqaalaha cayriyo mid ka mid ah shaqaalahooda.
Dhinaca kale Wargeyska Sydney Morning Herald oo la hadlay Haykal Xandal waxa uuka gaabsaday inuu ka hadlo go’aanka ay Mudanayaasha Xisbiga Shaqaalaha uga cayriyeen shaqada.
Â