Warbaahinadda Jarmalka ayaa sheegay in Muwaadin kale oo haysta Dhalashadda Jarmalka lagu xiray Turkiga, laguna soo oogay inuu faafinayey Dacaayad ka dhan ah Turkiga.
Ninkaasi oo asal ahaan u dhashay Turkish-ka oo magaciisa lagu soo koobay Osman BÂ ayaa la sheegay in la xiray 9 maalmood ka hor, xilli uu doonayey inuu galo dalkaasi, wuxuuna wajihi karaa xabsi dhowr sanno ah.
Eedeysanaha oo 36-jir ah, ayaa loo haystaa inuu Bartiisa Facebook-ga ku faafiyey Dacaayad la xiriirta  Argagixisadda
Xafiiska Arrimaha Dibedda ee Federalka Jarmalka waxay xaqiijiyeen Xarigiisa, iyagoo sheegay inay Safaaradooda ku taalla Ankara iyo Qunsuliyada magaalladda Antalya ku guda-jiraan xal-u-helista Kiiskaasi.