Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan xafiiskiisa kula qaatay guddidii hore ee komishanka doorashooyinka oo muddo-xileedkoodu dhammaanayo 29-11-2019-ka, waxana madaxweynaha kulanka ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaiil (Saylici) iyo Guddoomiyeyaasha goleyaasha guurtida iyo Wakiillada, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Mudane Baashe Maxamed Faarax.
Kulankan dhex maray Madaxweynaha iyo shir-guddoonka goleyaasha guurtida & wakiillada iyo xubnaha Komishankii hore ee doorashooyinka ayey ujeeddadiisu ahayd is-xogwaraysi la xiriira sidii xilkasnimada iyo hufnaanta lahayd ee ay u guteen waajibaadkii ee saarnaa, una qabteen diiwaangelintii cod-bixiyayaasha iyo doorashadii madaxtooyada.
Xubnaha Komishankii hore ee Doorashooyinka, ayaa madaxweynaha iyo shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada uga mahadceliyey kulanka ay la qaateen, waxana ay tilmaameen in shaqadii ay soo qabteen ahayd masuuliyaddii loo igmaday iyo waajibaad oo ay u guteen si Dastuuri ah.