Diplomaasiga oo lagu magacaabo Asdollah Assadi iyo 6 kale ayaa la sheegay in lagu xiray dalka Jarmalka, isagoo lagu eedeeyey qorshe lagu qarxin lahaa Kulan sannadeed ay Kooxda Mucaaradka ku  ah Dowladda Iiraan ee NCRI ku yeelan lahaayeen  caasimadda dalka Faransiiska ee Paris.
Kulankaasi waxaa ka soo qeyb geli lahaa Qareenka Khaaska ee Madaxweynaha Maraykanka oo lagu magacaabo Rudy Giuliani iyo dhow Wasiiro hore oo Carbeed iyo kuwo European ah.
Dowladda Iiraan waxay beenisay Eedeyntaasi, kuna sheegtay mid aysan wax ka jirin, waxayna ku baaqday in la sii daayo Diplomaasiga la xiray.
Dhinaca kale, Sirdoonka dalka Belgium waxay gacanta ku dhigeen 2 nin oo u dhalatay Iiraan, kuweaasi oo la sheegay inay haysteen 500 oo Garaam ee Kiimikada TATP oo si fudud looga samayn karo Bambooyinka nooca guryo-ku-samaynta ah.
Kooxda hubeysan ee Muhaajiriin Qalaq ee ku kacsan Dowladda Iiraan waxay Bartooda Websaytka english.mojahedin.org ku soo bandhigeen in Diplomaasiga la xiray uu ka md ahaa Diplomaasiyiinta Iiraan ee ku sugan caasimadda dalka Austria ee Vienna.
Mucaaradka waxay sheegeen inuu Asdollah Assadi  abaaulayey weerarkii la qorsheynayey in lala beegsado Kulanka Mucaaradka Iiraan ku yeelan doonaan magaalladda Paris.