Hadal ka soo baxay Boliska ayaa la sheegay in Nin u dhashay Jarmalka oo 35-jir ah uu gaari xoog ku jiirsiiyey dad ku sugnaa meel ku dhow Foorno ku taalla magaalladda Heidelberg ee K/galbeed ee dalkaasi.
Oday 73 jir ayaa u geeriyooday shilkaasi, halka Mimn u dhashay dalka Austria iyo haweeney ka timid Bosjnia Herzegovina ku dhaawacmeen.
Boliska waxay sheegeen inuusan weerarkaasi ahayn fal Argagixiso, waxayna ddhaawaceen Dareewalka oo haatan lagu ilaalinayo Isbitaalka.
Maamulayaasha Jarmalka waxay ku jireen Heegan Sare tan iyo markii Nin u dhashay dalka Tunisia oo magangelyo-doon ahaa uu gaarigiisa jiirsiiyey Suuq ku yaalla magaalladda Berlin bishii December 19-dii ee sannadkii hore, kuna dilay 12-qof.
Dhinaca kale, Boliska Maraykanka ayaa sheegay inay in ka badan 20-qof ku dhaawacmeen, kadib, markii nin watay Gaari nooca dusha ka furan uu jiirsiiyey dad daawanayey Festival ka dhacayey  magaalladda New Orleans ee Gobalka Louisiana.
Taliyaha Waaxda Boliska ee magaalladaasi, Mixhael Harrison ayaa sheegay inay xireen Dareewalka geystay falkaasi, kaasi oo la sheegay inuu sarqaansanaa, waxaana meesha laga saaray inuu falkaasi ahaa Argagixiso.
Halka ka daawo Gaariga dadka ku jiiray Jarmalka:
Halka ka daawo Gaariga dadka ku jiiray Maraykanka.
©Radio Dalsan