Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhaweeyay Go’aankii Xildhibaanada Golaha Shacabka ay dib uga laabteen muddo kordhintii ay sameeyeen, ayna dib u soo celiyeen heshiiskii 17-kii September oo ay horey u gareen Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada.
War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa lagu sheegay inay taageersan yihiin in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu si buuxda ula wareegay maamulka doorashooyinka iyo amniga dalka.
Musharaxiinta ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta kala shaqeeyaan qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah, kuna dhaca waqtiga ugu dhow.
Golaha ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay dagaaladii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay Magaalada Muqdisho ee sababay dhimasho, dhaawac iyo Barakac, iyagoona sheegay in Madaxweyne Farmaajo mas’uuliyadeeda uu qaadayo dhibaatadii dhacday.
Midowga Musharaxiinta Madaxweyanaha ayaa soo jeediyay in Xukuumadda xilgaarsiinta magacaawdo hoggaan mideyn kara Ciidanka dowladda Federaalka, maadaama ay sheegeen in Ciidamada ay u kala qeybsameen diidmada iyo difaaca muddo kororsiga sharci-darrada ahaa.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Musharaxiinta.