Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Muqdisho ay dib ugu soo laabtan Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaasi oo intooda badan ku maqan safaro dibada ah.
Todobaadka soo socda Muqdisho ayaa geli doonto xaalad siyaasadeed iyo shirar ay yeelanayaan Musharaxiinta Madaxweynaha, waxaana ay ku dhawaaqi doonaan Gole ay ku mideysan yihiin.
Ilo ku dhow dhow siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa sheegaya inay qaadici doonaan Guddiga Doorashada ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana la sheegayaa inay sameyn doonaan tallaabooyin barbar socota kuwa dowladda u qaaday hannaanka Doorashada.
Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dowladda Federaalka ugu baaqay in wax ka bedel lagu sameeyo Guddiyada la magacaabay oo ay ku sheegeen inay ku jiraan xubno ka tirsan Hay’adda NISA iyo shaqaalaha dowladda,
Dhinaca kale Xukuumadda ayaa baaqii Musharixiinta jawaab uga dhigtay inay xareysay Guddiyadii muranka ka taagnaa oo la dejiyay Hotelka Decale ee dhex ku yaalla Garoonka Aadan Caddee, halkaasoo tababaro ku saabsan howlaha doorashada ku qaadanayaan.