Waxaa habeenkii xalay kulamo siyaasadeed oo gaar gaar ah yeeshay Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaasi oo shalay shir socon doona muddo saddex maalmood ah uga furmay Magaalada Muqdisho.
Kulamada gaar gaar ee dhacay ayaa diirada lagu saaray sidii kulamo loola qaadan lahaa Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug, isla markaana ay ugu gudbin lahaayeen cabashadooda ku aadan Guddiyada Doorashada ee la magacaabay.
Musharaxiinta Madaxweynaha ee ka soo jeeda Galmudug ayaa waxaa loo xilsaaray inay kulan la qaatan Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayna war ku aadan Guddiyada Doorashada ee Galmudug ka keenaan, waxaana Musharaxiintaas kala yihiin Xasan Sheekh, Xasan Cali Kheyre, C/kariin Guuleed, Dahir Geelle, C/raxmaan C/shakuur iyo Mustaf Dhuxulow.
Sidoo kale xubnaha Musharaxiinta kale ee ka soo jeeda Maamulka Hirshabeelle sida Sheekh Shariif, C/qaadir Cosoble iyo Maxamed Siiriin waxay iyana la xiriiri doonaan Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseeen Guudlaawe.
Xubnaha ayaa Cali Guudlaawe u gudbin doona cabashadooda xubnaha Guddiga doorashada uu soo magacaabay Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Maxamed cabdi Waare oo iyana la sheegay inay ku jiraan guddigaas mid ka mid ah gacan yareyaasha Taliyaha NISA iyo xubno ka tirsan shaqaalaha rayidka dowladda.