Musharaxiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha dowlad Gooleedka Jubbaland ayaa shuruudo ku xiray ka qeyb galka Doorashada Madaxtinimada maamulka Jubbaland oo dhawaan la filayo inay ka dhacdo Magaalada Kismaayo.
Musharaxiinta Jubbaland ayaa sheegay in aysan ku qanacsaneyn Guddiga Doorashooyinka ee haatan shaqeynaya,isla markaana Codsaday in isbedel lagu sameeyo Guddiga,lana magacaabo Guddi Cusub.
Waxaa kaloo ay Codsadeen Musharaxiinta in Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka goob joog ka ahaadaan Doorashada.
Sidoo kale Musharaxiinta ayaa shalay kulan la qaatay Guddi ka socday Urur Goboleedka IGAD ee ku sugan Magaalada Kismaayo,kuwaasi oo halkaas u joogay u kuurgalida hannaanka doorashooyinka Jubbaland.
Hoos ka Akhriso Shuruudaha ay soo saareen Musharaxiinta Madaxweynaha Jubbaland.
- In la kala diro guddi ku sheega doorashada Jubbaland.
- In la magacaabo guddi doorasho oo cusub
- In odayaasha dhaqanka rasmiga ah oo kaliya ay xildhibaanada so xulaaan
- In halkii boos hal magac oo kaliya uu odey dhaqameedku soo gudbiyo
- In doorashada lagu qabto goob dhex-dhexad ah sida Xerada UN-ka
- In ay AMISOM ay ilaaliso amniga doorashada iyo kan musharixiinta
- In Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka goob joog ka ahaadaan doorashada.
- In warbaahinta caalamiga ah iyo kuwa maxaligaba ah ay doorashada si toos ah u tabiyaan.
Â