Musharaxa madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa kulan la qaatay Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya iyaga oo ka wadahadlay arrimo badan oo la xiriira Galmudug.
Safiirka Maraykanka ee Somali Donald Yamamota ayaa ka xogwareystay Axmed Kaariye Qoor qoor arrimaha siyaasadda ee Galmudug maadaama uu ka mid yahay musharaxiinta ugu cad cad madaxtinimada Galmudug.
Kulankaan ayaa waxa uuku soo adayaa xili lagu wado in dhawaan Galmudug ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha,dhinaca kalana waxaa socda soo xulista xildhibaanada baarlamaanka cusub ee maamulkaas.