Joe Biden iyo Madaxweyne Trump ayaa wada ololohoodii ugu dambeeyay iyagoo is dhaafsanaya hadallo adagag oo aanu waxba la iskugu harin.
Joe Biden ayaa booqday gobolka Minnesota oo ay ku badan yihiin soogalootiga waxa uuna halkaasi ka jeediyay khudbad 22 daqiiqo oo ay ka mid ahaayeen hadallo lagu dhaleeceynayo nacaybka Trump uu qabo dadka oo galootiga ah.
Haatan Biden ayay suurogal tahay iney maalmo uun uga harsantahay inuu noqdo madaxweynaha 46-xaad ee Mareykanka.
Waxa uu Biden sheegay in Trump uu ku f ashilmay fayraska corona oo kama uusan fakarain badbaadinta dadka reer Mareykan.
Waxa uu intaasi ku daray iney khalad tahay in Donald Trump uu Soomaalida ku tilmaamo Argagixiso.
“Waa sababta Trump uu ugu ceeybeysan yahay inuu Soomaali qaxooti ah oo nolol wanaagsan soo raadsaday ku tilmaamo dad argagixiso ah.” Waxaan u baahanahay madaxweyne dadka isu keeno ee uma baahnin mid na sii kala qeybiyo.”
Waxaa durbadiiba hadalkiisa soo dhexgalay qaar ka mid ah taageerayaasha Trump balse waxa uu Biden yiri: Dadkan qeylinaya ma ahan dad deggan oo xushmad leh, waa sida Trump oo kale.”
Madaxweyne Trump ayaa Minnesota 4 sannadood ka hor ku guul dareeystay 44,000 oo cod waana mid ka mid ah gobollada uu sannadkan doonaya inuu ka helo taageerayaal u janjeera dhanka xisbiga Republican-ka.