Dr. Siciid Cabdullaahi Deni oo ah Musharax u taagan Xilka Madaxweynaha Dowladda Puntland 2019-ka ayaa soo dhaweeyey go’aanka ay maanta gaareen Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo cod aqlabiyad ah u qaaday in Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxwayne Ku-xigeenka ay dhacdo waqtigeeda oo ku beegan 8-da janaayo 2019-ka.
Musharax Dr. Siciid Deni ayaa sheegay in ay meesha ka baxday damaca ay qabtay Xukuumadda hadda jirta ee ahaa Muddo kororsi “Mar walbo waxaa aaminsanaa in Doorashada ay dhaceyso xilligeeda,waxaana Muhiim ah in la raaco Dastuurka noo dhigan ,Xildhibaanada go’aan taariikhi ah ayey gaareen waana soo dhaweynayaa” ayuu yiri Mudane Siciid Deni.
Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale ugu baaqay Isimadda iyo Odayaasha Dhaqanka Beelaha in ay soo xulaaan xildhibaano leh karti iyo aqoon maadaama ay ka shaqeyndoonaan Howlo masiiri ah iyo samatabixinta Dalka.
Mudane Musharax Dr. Siciid Deni ayaa ballan qaaday in Puntland laga gudbin doono marxaladda habka qabaa’ilka, lana gaarsiin doono Puntland Doorasho hal qof iyo hal cod.
Musharax Dr. Siciid Deni ayaa kaalin weyn ku lahaa Kobaca Dhaqaalaha Puntland,Nidaamka Waxbarashada,Caafimaadka iyo Hirgalinta Hey’ado ka shaqeeyo illaa iyo hadda Arimaha Horumarinta,waxaana Shacabka Puntland ay aaminsanyihiin in Dr. Siciid Deni yahay Hoggaamiyihii ay sugayeen.