Peter Gichira oo ahaa Musharax doonayay in uu u tartamo xilka Madaxweyne ee Dalka Kenya Sanadkaan ayaa maanta Maxkamada la soo taagay kadib markii lagu eedeeyay in uu doonayay in uu isdilo kadib markii uu dhamestiri waayay Shuruudihii looga baahnaa qofka Musharaxa ah.
Peter Gichira oo Saxaafada la hadlayaya ayaa Been abuur ku tilmaamay Warka sheegayay in uu doonayay inuu iska tuuro Dabaqa Lixaad ee dhismaha Guddiga doorashada Kenya.
Waxa uu kamid ahaa Sideed Musharax oo ku guuldarestay in ay buuxiyaan shuruudaha Musharaxnimo,waxana taasi ay dhalisay in uu iskudayo inuu isdilo balse Sabtidii aynu soo dhaafnay ayaan soo qabanay ayuu yiri sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliiska kenya.
Shuruudihii ugu adkaa ee soo maray Musharaxaan aan Siyaasada wax badan ka aqoon ayaa waxaa kamid ahaa  in uu keeno saxiixyada 2,000 oo ruux kuwaasoo aan xisbina ka tirsanayn 24 kamid ah 47da gobol ee dalka Kenya.
Doorashada Madaxweyne ee dalka kenya ayaa dhici doonta 8 August 2017 iyadoona ay ku tartami doonaan Uhuru Kenyatta oo ah midka haatan dalkaasi Maamula iyo Hoggaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga.