Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweeri Kaputa Museveni waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu shalay Khudbad ka jeediyey Munaasabad lagu soo bandhigay Buug uu qoray Guddoomiyaha Iimaamyadda dalkaasi, Sheekh Suleymaan Lubeega oo lagu qabtay Degmadda Kasangati ee dalkaasi.
Waxa uu si kulul u naqdiyey Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Hoggaamintiisa 33-jirsatay, isagoo sheegay inay jiraan unugyo Mucaarad ah oo doonaya inay Deganaansho La’aan ka abuuraan Uganda, iyagoo u maraya qaabab aan sharci ahayn.
Waxa uu intaasi ku daray inuu Mucaaradka u oggolaan doono inay qaadaan Hawlgalkooda oo uu ku tilmaamay fal sidii Shaydaanka oo kale.
Museveni oo 75-jir ah oo caadiyeystay inuu Somalia u soo qaato Tusaalayaasha ugu xun-xun, waxa uu ku booriyey kuwa isaga Mucaaradka ku ah inay aadaan Somalia oo ay deganaansho la’aan ka jirto, waa sida uu hadalka u dhigay.
“Cid kasta oo ka daalay Nolosha iyo Deganaansho La’aanta Uganda waxay iska khasaarinayaan Waqtiga. Uganda waa deggan tahay, ma aha sida Somalia oo kale, waan qabnaa Fannaaniin. Waxay aadi karaan Somalia oo ay Riwaayado ka dhigi karan halkaasi†ayuu yiri Museveni.
Hadalka Museveni ayaa u muuqda mid uu ku garaacayo Fannaanka Bobi Wine oo ah Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Uganda, mucaaradna ku ah Madaxweyne Museveni iyo Maamulkiisa.
Xildhibaankaasi mucaaradka oo 37-jir waxa uu si cad u dhaliilaa Madaxweyne Museveni, taasi oo keentay in dhowr jeer la xiro, iyadoo ay Boliska ka hor joogsadeen 130 Riwaayado oo uu ka dhigi lahaa dalkaasi tan iyo sannadkii 2017-kii.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Uganda waxa uu si kulul u eedeyey Xildhibaanadda Barlamaanka dalkiisa oo uu sheegay inay doonayaan in loo kordhiyo Mushaarka, balse ay gaashaanka ku dhuftaan Maalgelinta Mashaariicda muhiimka u ah Horumarinta Qaranka.
Si kastaba ha ahaatee, hadalka qadafka ee uu Yoweri Musveni had iyo jeer wixii xun Tusaale ahaan u soo qaata dadka Soomaalida ayaa u muuqda falal aan garowshiyo lahayn oo sharaf-dhac ku ah Sharafta DFS iyo guud ahaan dadka iyo dalka Somalia.