Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka mid ahaa Murashixiinta isku soo taagay xilka Madaxtinimadda ee DFS, kuna fashilmay inuu Madaxweyne Farmaajo u magacaabo xilka Ra’isul-wasaaraha XFS ayaa la sheegay inuu haatan u jiheystay sidii uu Madaxweyne uga noqon lahaa Maamulka HirShabelle oo beryahan xaalladiisu calawsan tahay.
Ilo-wareedyo ayaa u sheegay Radio Dalsan inuu Siyaasiga C/qaadir Cosoble qeyb ka yahay dadka u ololeynaya Mooshin la doonayo in  Madaxweynaha Maamulkaasi, Cali C/llaahi Cosoble xilka looga qaado.
Dhaqdhaqaaqyo Siyaasadeed ayaana ka socda magaalladda Jowhar oo lagu mucaaradayo Madaxweynaha HirShabelle iyo Golihiisa Wasiiradda ee uu dhawaan magacaabay.
Si kastaba ha ahaatee, Maamulka HirShabelle ayaa u muuqday inuu Madaxweynihii DFS, Xasan Sheekh Maxamuud si halhaleel ah ku dhidbay, si uu uga faa’ideysto Ololihiisa Doorashada Madaxtinimadda ee lagu kala baxay.bishan February 8-dii
©Radio Dalsan
©Radio Dalsan