Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa la kulmay guddiga madaxa bananaan ee doorashayooyinka oo uu kala hadla sidii doorasho hal Cod iyo hal Qof  uga dhici laheyd Sanada 2020-ka  Soomaaliya.
Jawaari ayaa ugu baaqay guddiga doorashooyinka madaxa bananaan inay keenaan fikir ka ah sida ay ku suurta galeyso doorashadaasi,oo rajo markale laga qabo in Afar sano kadib doorasho qof iyo codkii ka dhacdo Dalka.
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa tilmaamay in loo baahanyahay in sanadkan 2017 guddiga doorashada looga baahanyahay inuu keeno qorshaha lagu hirgalinayo doorashadaasi.
“Baarlamaanka labadiisa Aqal ma sugi doono illaa laga gaaro 2019, kaddib la fiiriyo suurta gal ma tahay doorasho hal qof iyo hal cod ay dhacdo, waxaa rabnaa inaan hada bilaabno sanadkan 2017 oo aan gadaal gadaal u soo xisaabino, ka soo bilaaba 2020, suurta gal ma tahay arrimaha la iska doonayo inaan hirgelino, hadii ay maya tahay walaalayaalow, shacabka yaa been loo sheegin, oo hala dhaho doorasho hal qof iyo hal cod ma suura galeyso, anagana sanadkan ayaa Baarlamaanka geynaya, waqtiga xil heynta baarlamanaka ayaa dheereynayaa illaa ay ka suurta gasho doorasho hal qof iyo hal codâ€ayuu yiri Jawaari.
Doorasho Qof iyo Codkii aya la sugayey Afarsano kadib inay dhacdo sandii 2012-kii oo xilligaas madaxweyne loo doortay Xassan Sheikh,waxaana suura gali waayey qorshihii la la filaayey  ee doorashadaasi,oo ay dowladii hore ku fashilantay,iyadoo hada markale la sugayo in doraashadaasi ay dhacdo 20120 oo la rajeynaayo in doorasho qof iyo codkii ay ka dhacdo Soomaaliya.